Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda XFS Oo Ka Qeybgalay Shir Looga Hadlayo Duulimaadyada Adduunka

Tuesday March 29, 2022 - 14:22:43
0 Comments
413
DUBAI

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md, Durraan Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalaya Shirka dowladaha Adduunka kaas oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 190 Waddan.


Shirkaas ayaa maanta galay maalintii labaad waxaana lagu soo bandhigay doodo ku saabsan xoojinaya dawladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal abuurnimada si dawladaha caalamka ay ula jaan qaadaan isbeddalada Caalamiga ah.


Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawadda, Duraan Faarax ayaa sheegay in qorshaha iswaafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga caalamiga ee maanta lasoo bandhigay uu wax badan ka tari doono badqabka duulimaadyadda Rayidka ah.


Dowlada Soomaaliya ayaa Shirka kusoo bandhigtay fikrado la xariira iskaashi caalami ah oo ku salaysan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan horumarinta Garoomada Diyaaradaha.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment