Maxkamadda Jubbaland  oo lahorkeenay eedeysane dil kageeystay Kismaayoo

Thursday November 16, 2023 - 18:31:58
0 Comments
151
ahmed raajaa
KISMAAYO
Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland ayaa maanta markii sadexaad Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybteeda Jubbalad la horkeenay eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad oo ku eedeysan in uu dilay AUN Ex Dable Marxuum Ismaaciil Xuseen Dhoore oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada Booliiska degmada Kismaayo.

Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ugu horayn furay Maxkamadda isagoo dhinaca kalana su’aale weydiiyay Eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad oo markan Maxkamadda kahor sheegay in uusan si ula kac ah dil u gaysan.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Mowliid Axmed Yaasiin ayaa maxkamadda kacodsaday in Eedeysanaha la marsiiyo ciqaabta qodobada ay kusoo eedeeyeen.

Qareenka difaacaya eedeysane Dable Cabdiraxmaan Nuur Mahad ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta uusan keenin maqraati ku filan in eedeysanaha dil bareer ah uu gaystay.

Gaba-gabadii Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa Maxkamadda soo xiray.

Related Items


Leave a comment