Wasiirka Arrimaha gudaha Oo Aqalka Sare Ka Hor Akhriyay Hinside Sharciyeedka Qaxoot

Monday December 11, 2023 - 15:40:28
0 Comments
82
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo u mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka uu ka koobanyahay 7(Todobo) Cutub iyo 38 qodob, isla markaana uu yahay 32 bog

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Sida uu Hindise Sharciyeedkaan u waafaqsanyahay Dastuurka iyo xeerarka ee dalka ayaa yiri, "Hindise Sharciyeedkan wuxuu ku saleeynsan yahay Qod. 37aad ee Dastuurka KMG. (Qaxootiga & Magangalya doonka). Iyo sidoo kale shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira arrimaha Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay Soomaaliya dhinac ka tahay oo ku faahfaahsan qeybta danbe ee Ararta ee Hindise Sharciyeedkan.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa mid mid ugu sharxay Xildhibaannada Aqalka Sare Cutubyada iyo qodobada uu ka koobanyahay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka 2023.


Gaba-gabadii Wasiir Axmed Fiqi ayaa Guddoonmiyaha Aqalka Sare iyo Senatorrada Aqalka ka codsaday Meelmarinta Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, kaas oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Related Items


Leave a comment