Beexaani: Abaaro baahsan ayaa kajira Gobalka Mudug.

Wednesday September 02, 2009 - 10:17:23
0 Comments
3588
Super Admin
Gudoomiyaha gobalka Mudug ee waqtigan Beyxaani Axmed Barre ayaa kaga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo xaalad deg deg ah oo ka jirta gobalka Mudug oo ah dhinaca Abaaraha, wuxuuna sheegay in ay abaaro baahsan ka jiraan guud ahaan gobalka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa magacaabay gudi Abaareed deg deg ah oo gargaarada la helayo la gaara dadka badan oo hada Qatar u ah in ay dhintaan, ayagoo aan heysan Biyo ay cabaan, ayadoo lugu jiro Bisha Bakareysan ee Ramadaan.

Beyxaani wuxuu sheegay in ay kormeero ku tageen guud ahaan gobalka Mudug deegaanada ay maamulaan, isla markaasna ay soo arkeen xaalad aan fadhi laheyn, isagoo ugu baaqay dhamaanba dhinacyada Soomaalida oo dhan in ay u istaagaan xaaladaha ka jira gobalka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa shaaciyey in ay Hay’adaha Samafalku ka gaabiyeen wax uqabashada dadkaasi, isla markaasna aysan ilaa hada wax gar-gaar ah soo gaarsiin dadka ay Abaarahaasi heystaan, isagoo cadeeyey in ay mar hore udireen qeylo-dhaamo caalami ah oo ku aadan abaaraha jira.

Xoolihii Miyiga ayaa dhamaaday dadkiina waxa ay ku sugan yihiin xaalad aad uqatar ah, sida ay xaqiijiyeen gudiyada Abaaraha ee tagay deegaanada kala duwan ee gobalka Mudug, ayagoo sawiro iyo Muqaalo ka soo qaaday deegaanada ay tageen, taasoo ah xaalad aad looga walaacay.

Gobalka Mudug waxaan si rasmi ah uga wada di’in dhawaan Xili roobaadkii dhawaa, waxaana meelihii ay ka da’een roobabkii dhawaa iskugu tagay dad badan oo ka soo hayaamay meelaha kale ee dalka Soomaaliya, maadaama aysan deegaanadoodii ku da’in roobabkaasi, waxaana hada xaalad Qatar ah soo wajahday dadka deegaanada Mudug.

Barnaamij la yiraahdo AAN ISKU TASHANO oo ay ka qeybgalayaan Ganacsatada, Shirkadaha Lacagaha, Telfoonada iyo cid walboo oo kaalmo awooda ayaa laga bilaabayaa dhawaan gobalka Mudug, kaasoo wax loogu qabanayo Boqolaal dad ah oo xaalad xun ay soo wajahday Markan, waxaana sidoo kale ay dadku ku jiraan in ay Baryaan Alle-weyne oo ka saari kara dhibka heysta

Related Items


Leave a comment