Taariikh Kooban Abaan Cabdulle Husseen Samaysane

Wednesday October 28, 2009 - 09:01:09
0 Comments
5294
Super Admin
Abdulle Husseen Samaysane waxa uu ahaa aftahan gabyaa ah, oo diinta iyo taariikhda labadaba caalim ku ahaa, deegaankiisuna ahaa gobollada Mudug iyo Nugaal. Maalin ayaa qolo ay xidid, xigaalo iyo Darisba ahaayeen daraawiishti Sayid Mohamed Cabdulle Xassan madaxda u ahaa xoolo ka dhaceen.

Kadibna Sheekh Cabdille Xuseen ku yiraahdeen erga ahaan noo raac, markey ergadii xarunta Sayidka tageen oo la wada hadlay ayaa Sayid Maxamed wuxuu la yaabay Shiikh Cabdulle Xuseen aftaha nimadiisi iyo hadal aqoontiisii, markaasuu wuxuu ku yidhi “adigu qolamaad tahay?” Sheekh Cabdille Xuseen waa uu abtirsaday aqoontiisa iyo kartidiisana waa uu ka waramay, markaasaa Sayidku wuxuu ku yiri “adigu is sheegtaye anigu yaan ahay? “ Sayid Maxamad oo waagaas ammuurihiisa laga yaabay wuxu ku sheegay sida masaafada qeybteeda dambe ku cad inuu yahay saddex midkood:

1. In markii Jinnigu geela magta ah ka bixinaayey Qaabiil in uu Jinniga iyo Insiga ku dhex jiray oo xaajada wax ka aqoolaayey

2. Inuu ka mid ahaa raggii dagaalkii yowmal Bader ka qayb galay.

3. Inuu ummaddii doonidii Nabi Nuux ku jirtay uu ka mid ahaa oo subaxdii ay doontu heeraabka dhulka dhigatay dabkii “Nayruus” wax ka shiday.

Hadaba, sheekadaa iyo masafada hoos ku qoran waxaan marag ugu soo qaadannay in Soomaalidu u haysato geelu inuu ahaa xoole jin! Balse nala eega masafada qaybteeda dambe, waxaa mariyay Sheekh Cabdille Xuseen Samaysane, masafadiina waa sida tan:

Ilaahii Ilaaheen ah nin addoonkiyaan ahay
Alastuda’ markuu qawlay, abuurkii jiraan ahay
Arlaa’iga nin laga uumayoo, abuu diina yaan ahay

Insaan weeye magacaygu, fii axsani taqwiimiya
Summaddana gadaalkeeda, asfala saafiliinta e
Istisnuhu intuu reebay, waqaan sii ahaannee

Awoowgeeni Nabi Aadan, isirkiisi baan ahay
Awlaaddii nebi Nuux, abka Saam ayaan ahay
Isimkiisu waa Carab, akhwaankiisna waa Ruum

Ilyaas iyo Ibraahim, ilmohoodi baan ahay
Ismaaciilki aabbihii, adduun gowracaan ahay
Ooddayada Haashima, awelkeedi baan ahay

Nebigii abtiriskiisa, nin u oday tagaan ahay
Waa ina Cabdiraxmaanoo Abuu dhaalib bay dhalay
Ummul baana wada dahatay, aabahoodna waa Keli

Asxaabtiina waan raacay, ummaddiisna waan ahay
Afarta ilmo Daarooda, odayga ugu yar baan ahay
Isimkiisu waa Yuusuf, Awr-tablaase awla ah

Awliyada ilaaheeyna, Axmad baan ka sii ahay
Haddii ayna la yiri ana, ardada Shaaficaan ahay
Nin awoowgii la ishaaray, Awlaadiisi baan ahay


Nin haddii dhul u iftiimay, alifkii dhigtaan ahay
Allowdiyo ubbada weyso, nin ku ababay baan ahay
Nin goortii wax la aqbalay, ashahaatay baan ahay

Islaameedka nimaan qoomin, nin aaminaan ahay
Al-ancaamta nin u toosa, aleyl noolba yaan ahay
Nin axkaamta kula meera, uumiyaha kalaan ahay
Nin Ilaahay ku ayaan leh, wuxuu oofsadaan ahay!
Ilaahayna waan raacay, addoonkiina waa ahay

Markaasuu Sayidkii u duceeyey oo wuxuu yighi:

Ilaah baa ajiibka leh, Alla bariga manta ah
Aamiinta igu biirsha, akhyaariinta joogtaay
Ilaahow haku ardaalin, boqor awliyaadow
Ilaahow warmaha oogan, ulohooda kaajebi!
Ilaahow arwaaxdaada, cudur oofta ha gelin
Ilaahow ololahaaga, arartooda laga baqo

Ilaahow aad ka adkaato, dad nikaad colowdaan
Ilaahow haddaad orodid, adinkaaga guuleey!
Ilaahow ardo aad koridid, agahaaga soo tuur

Ilaahow agoomaha awle, inkaartooda kaa hay
Ilaahow haddaad umaaddo, janno kugu asluubeey
Ilaahow aniga iga aqbal, idinkana idiin yeel!!!!

Intaas markuu nuuriyay, ayaa sayidki! Wuxuu ku yidhi:
"Adigu isa sheegtaye anigu yaan ahay”


Markaa wuxu ugu jawaabay, gabaygan oo wuxuu yidhi:

Haabiil kobtii lagu dilay iyo, meeshii lagu duugay
Dawlaanta nimankii qodee, dibiga googoostay
Ee daraca maantii harsaday, darayga gaal yuule

Dabadeedna daaraha kacbada, derisadii keentay
Dakanadaa cabsiisaye haddii, qaatilku u dawray
Duddada reer bashaas iyo hadduu, darane weydaartay

Ee seedigood inay dayici, dani ahaan weyday
Diyo wow horeysaye wixii, dabala geel weheshay
Nimankii dareershoo u dhigay, xeebta gacal diide

Daaqsin lama oqoonine raggii, duudda ku xereeyey
Ee daw dhan doobtaha sitee, darar ka maalaayey
Aan dalandalkii daba socdiyo, duqi ka weydoobin

Raggii yoomal beder laysu dumay, inu ducuu yeelay
Caday duubta nimankii dugsaday, dabinka waa dhawrka
Dildilaaca oogaa markaas, kala dambeyneynin

Darafaynka nimankii kobtaa, daawasho u eegay
Xaysuunka doonbira kobtii, lagu dadabeeyey
Isku duuliddii hore inuu dilay abuujahalka

Oo ula dagaallamay xarbadda, sida Arnaa-uudka
Duufaanta nebi Nuux raggii, doonida u fuulay

Oo wixii dabaal joogle dhacay, duun aan laga goynin
Oo malag Ilaahay u diray, dalankacaw diida
Nayruus hadduu subixi degay, inuu dabkii la hurshay
Aasuu haatan nagu daransan yahay, lana dareeeynin

Diin gaabidaa iigu wacan, edebka duulkaase
Dembigey ideeqee midkood, kaa isaga daayey

Cabdulle Xuseen Samaysane wuxuu ahaa buuni ku dhex nool reer guuraa xoolo dhaqatana ahaa, iskuul iyo jaamacad midna aan galin. Wuxuu wax ka bartay Xer iyo culimadii Nugaal fadhin jirtay, waa fahmi kadhaa waana garan kadhnaa meesha aqoontiisu gaadhay iyo xigmadda Alle qalbigiisa geliyay.


WQ: Ahmed Carys Ciise
yaaqgurraa@live.com

Related Items


Leave a comment