Ganacsiga Bosaaso ee Gobolka Bari Ahna Xarunta Ganacsiga ee Pland iyo Tayada Beesha-YD

Friday October 30, 2009 - 18:56:15
0 Comments
1949
Super Admin
Ganacsiga Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Ahna Xarunta Ganacsiga Guud ee Puntland iyo Tayada Beesha-YD ku leedahay Ganacsiga Magalada Bosaaso.

Sidii aan horayba ugu balan qaaday Mudanaayaasha iyo Marwooyinka Daalacda Shabakada Cadaalada ah ee Xaarxaar Online in aan u soo bandhigi doono Qodobo ku saabsan Xaalada Bosaaso Iyo tayada ay ku leeyihiin Beesha YD ayaa waxaan ku falanqaynaynaa Qodobkii labaad ee ahaan Ganacsiga iyo Beesha YD, Waxaana si toos ah ugu daalacan kartaa Kaydka Wararka khaaska ama Special Reports.

Magaalada Boosaaso Waa magaala ka mid ah magaalooyinka ugu waa  wayn wadanka soomaaliya si gaar ah ugu wayn Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland State Of somalia, waana Xarunta Ganacsiga Guud ee Maamulka Gobaleedka Puntland .

Sido kale waxaa ay tahay magaalo ku caan ah Arimaha Ganacsiga ayada oo Ganacsigeedu dugsanayo in ka badan bar boqolkiiba Dakada wayn ee Magaalada Boosaaso oo ayada ay ku soo Xirtaan Maraakiibta Ganacsiga ayada oo ah mid ka mid ah  magaalooyinka Nabada ee maanta ka jira Soomaaliya. Waxaa Boosaaso looga soo adeeg tagaa Dhamaan Gobolada Somalia sida Maamulada Jubaland, (Koonfur) Puntland (Gobolada Dhexe) Somaliland (Gobolada Waqooyi) iyo Waliba Wadamado African ah oo ay ka mid tahay Ethopia.

Magaalada Boosaaso waxaa ku yaal Boqolaal shirkadood kuwaas oo la macaamila Wadamada aduunka. Waxaa shirkadahaas ay yihiin kuwo kala keena badeeconyin kala duwan sida Shirkada Shamiitaba ee Barwaaqo ayada oo ay shirkad kasta ku khaas tahay badeeco u gaar ah .

Marka la eego Shirkadahaas aadka u badan ayaan beesha YD  ku lahayn mid si khaas ah loogu magacaabo, in kasta oo ay jiri karaan shaqsiyaad laga yaabo in ay ka yihiin shirkad ama ganacsi kale wadaage (Share holder), taas ayaan ahayn mid loo sababeeyo dadka Deegaanka marka la eego Xaalada Wadanka.

Baarayaal u kuur galay Xaaladaas ayaa u Xaqiijiyey Webka Xaarxaar Online in ay tahay arinkaas layaabka leh mid ka jira Xaqa qurba joogta Beesha YD oo ayagu Noqday kuwo aan Dalka dib u maal gashan ayaga oo sheegay dhamaan shirkadahaan in laga leeyahay Qurbaha, hase ahaatee mulkiilayaashu ay u dhiibteen dadkooda dalka jooga kuna maal galiyeen si ay wax ugu qabtaan Dalkooda, Dadkooda Iyo waliba Diintooda.

Sido kale waxaan waraysiyo la yeelanay qaar ka mid ah ganacsatada Dukaamaysiga oo ayaguna noo dhaafin waayey in ay dhaliilaan qurba joogta Beesha oo ay lee yihiin waxa ay noqdeen kuwo wax ku leh qurbaha ee aan wadanka wax ku lahayn. Ayaga oo cambaaraynaya arinkaas ayey waxaa ay dheheen "Qurba joogto  Beesha YD waa in ay wax ka badalaan arimahaan aan xishoodka lahayn kuna fakaraan Xalada Jirta".

Sido kale baarayaasha oo daraaseeyey Lacagta dhaqaalaha ee ka soo baxa Shirkadaha kuwa yaryar ayaa waxa ay sheegeen in uu yahay Sannadkii mid lagu xisaabtamo in ka badan $1Million in ka badan ayaga oo lagu furay shirkadahaas marka Hore wax aan ka badnayn  $100.000 o dollar ama $200.000. Taas ayaa ah marka la fiiryo Mulkiilayaasha in ay yihiin kuwo isku darsaday kharashaad aad u yar oo aan ka badnayn $20.000 kiiba. Shirkadaha ayaa lagu yahay wadaag (Share holders) kuwa ugu waawayn ayaa waxaa wadaaga 20 qof ama kabadan, taas oo sahashay in ay helaan Dhaqaalo badan iyo Ganacsi badan dadka ku nool wadanka.

Waxaa Baarayaashu sheegeen in ay tahay xaaladaan mid wax u dhibtay Beesha sababta oo ah in ka badan boqol ayaa waxaa laga yaabaa in ay ka shaqeeyaan shirkado dad-kale ayaga oo ay jiraan boqolaal camal la'aan ah uu ka soo jeeda Qoomiyada YD. Waxaa ay shirkaduhu dabooleen baahiyaha shaqo la'aaneed ee beelaha leh Shirkadaha. Waxaa jira in shirkada ugu yar ay ka shaqeeyaan in ka badan boqol shaqaalaa oo ka soo jeeda Beelaha leh shirkadahaas, hase ahaatee dhamaan dhalinyarada YD waxaa ku ah niyad jab in aysan lahayn meel ay u shaqa tagaan, shirkadahana aysan wax ku lahay taasna ay sababtay Shaqala la'aan baahsan in ay ay dhalinyarada qoomiyada YD ay ku mashquulaan Balwad iyo Wax la mid ah.

Marka la eego Kharashaadka Beesha ayaa laga yaabaa in ay Bishii ku soo dhacdo shirkadaha Xawaladaha Lacag aan ka yarayn $50.000 oo bill ah, taas oo ku noqota shirkadaha Qoomiyadaha kale, hase ahaatee aysan jirin mid gasha $10.000 na alla ha ka dhigeen Shirkad ay lee yihiin Qoomiyu taas oo ah "u shaqe Dantii yaqaan hana garan Dantaada ku dabiib dantada Dantaa kuuma sheege"

       Fariin Gaaban oo Lala soo tiigsanday Xaarxaar Online

Waxaa ay u dirayaan Dhalinyada iyo Wax-garadka ku dhaqan Deegamada Puntland Khaas ahaan kuwa Jooga Xarunta Ganacsiga ee indhahoodu  la Daciifeen arinka foosa Xun ee la darsay Beesha YD in ay wax ka badanlaan si dagdag ah  Qurba joogta Qoomiyada YD-Awrable  ayaga oo fiirinaya Xaaladaha Shaqa la'aaneed, Sumcad La,aaneed Iyo kuwo kale oo badan.

                       Fariin kale oo ay dirayaan Baarayaashu

Wax arinkaas uu ku yeeshay Xaalado Badan sida siyaasada iyoSumcada ayada oo hadii aysan wax ka badalin arimahaan Qurbo joogto laga yaabo in la waayo sumcada iyo waliba xubnaha siyaasada ayada oo ay xusuusin naga tahay in ay ku wayday Beeshu illaa saddex xubnood muddo ka yar lix billood rimaha muuqasha la'aanta.  Waxana leenahay Qurba joogta Dalkaa Dantu ku jirta ee Soo eeg hadii kale Sumcad waa Sidii Saaxiibkaa oo Qabri la galiyey Maxaad u qaban kartaa Bari.

              Xusuusin       waxaa uu u qaybsamaaa Ganacsiga Boosaaso Shirkado iyo Dukaamaysi waxaan idiin balan qaadaynaa hadii alle ogolaado in aan idiin soo ban dhigi doono xaga Dukaamaysiga iyo Beesha ayada oo aan la tashanayno Ganacsatada Dukamaysiga ee Qoomiyada YD wabilaahi tow fiiq.

                                     Raali Galin

Waxaan si Xushmad ku jirto u raali galinaynaa Xildhibaan Daa'uud C/kariin. Dhambaalkaas wuxuu ahaa mid khalad ah oo aan ku lahayn sharaf dhinacyada Siyasada iyo Saxaafada. waxaan markale u diraynaa raali galin sharaf badan Xildhibaanka oo aan lee nahay Khalad uu dhacaa  Cafiyese waa Kayd aakhiro Mahadsanidin .

Hadii ay jiraan wax aan gafnay ama khaladnay waan ka cududaaranaynaa ma gafee waa alle, wixii khalad ahna sax ayaan ula jeednay ee mudanayaal iyo marwooyin raali hanala ka noqodo, waad mahadasantihiin kun jeer


Tafatiraha Wararka Beesha-YD

Maxamed Xaad

Email. puntland@hotmail.co.uk 

Xaarxaar Xusuuso waa Xaragadaadee, Xaqeeda Garo waa ku Xeradaadee

Related Items


Leave a comment