Xisbul Islaam oo la wareegtay Idaacada iyo Telefishinka GBC ee Muqdisho

Sunday September 19, 2010 - 14:50:58
0 Comments
1858
Super Admin
Ururka Xisbul Islaam ayaa la wareegay xarunta idaacada iyo Telefishinka GBC ee magaalada Muqdisho
Maleeshiyo badan oo ka tirsan kooxda Xisbul Islaam ayaa saaka si rasmi ah ula wareegey xarunta warbaahinta GBC oo ku yaalla agagaarka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho

Wariye ka tirsan warbaahintaas oo diidey in magaciisa la sheego ayaa warbaahinta Xaarxaaronline u sheegay in maleeshiyo badan ay saaka gudaha usoo galeen idaacada xilli ay hawada ku jirtay,waxaana xilligaas kadib ay ku amreen shaqaalaha in ay shaqada joojiyaan.

Idaacada iyo Telefishinka GBC oo ahayd mid si gaar ah loo lahaa, ayaa xilligaan gacanta ugu jirta kooxda Xisbul Islaam waxaana laga saaray hawada markii ay la wareegeen maleeshiyada kooxdaas.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa saacado kadib markii Xarakadda Al-Shabaab ay la wareegtay idaacada iyo Telefishinka Horn Afrik xarunteeda magaalada Muqdisho oo ku taallay Suuqa Bakaaraha.

Kooxda Xisbul Islaam ayaa hore amaro culus dul dhigtay warbaahinada Muqdisho,iyadoo ay ku amartay in aysan sii deyn karin muusikyada iyo heesaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya tartan ka dhexeeya kooxaha mucaraadka ah ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadda u soo jeestey in ay xoogga saaraan warbaahinta, laakiin waxa la is weydiinayaa, sida ay u banaysteen xoolo gaar loo leeyahay in ay la wareegaan, isla markaana albaabka ka dareeriyaan shaqaalihii shirkadahaas.

wixii war ah oo ka so kordha kala xariir isha waraka

XaarxaarOnline

Related Items


Leave a comment