Xildhibaan Da'ud oo lakulmay qurba joogta YD ee Magaladda Minneapolis+ Sawiro

Saturday September 25, 2010 - 20:30:18
1 Comments
7177
Super Admin
Minneapolis: Malantii axada, taariikhduna heydSept 12, 2010waxaa magaalada Minneapolis ka dhacay shirweyne lagu soo dhaweeyey xildhibaan Daud A/karim Sh Omar oo ay kasoo qeyb galaan xubnaha beesha YD ee ku dhaqan Minnesota, Wisconsin iyo nawaaxigeeda.

Shirkaas oo si aad iyo aad ah loosoo agaasimay ayaa waxaa Daud A/karim uu ka jeediyey qudbad dheer uu kaga warbixiyey socdaal dheer oo uu uga soo tagay Africa isagoo ujeedadiisu ahayd kashaqaynta horumarinta Beesha YD iyo inuu qurba joogta uu uga warbaxsho kalana tashado xaaladaha kala duwan ee 20kii sano ee lasoo dhaafay lasoo darsay Beesha. Safarkaan kahor ayaa xildhimaanku booqday deegaano badan oo ay beeshu dagto halkaas oo uu kasoo uruurshay xog aad u farabadan uuna xil iskaga saaray inuu lawadaago beelwaynta YD ee qurbaha joogta.

Xildhibaanku waxa aad ugu dheeraaday ka warbixinta baahida jirata iyo sida loogu bixi karo isagoo soo jeediyey qodobo dhowr ah ay kamid yihiin in 1- La xoojiyo midnimada beesha, 2- In qurbo joogta beesha oo ah hormuud beesha ay dib udhis iyo deegaameyn ay ka hirgaliyaan deeganadooda. 3- In shirweyne guud dalka gudihiisa lagu qabto kasoo lagu qiimeeyo baaxada ay la egtahay waxqabadka loo baahan yahay.4- In la dhiso gudi hormarineed ka shaqeeya horumarinta amuuraha beesha. 5- In la abuuro dhaqaale lagu hirgaliyo ganacsiyo gaar loo leeyahay lagana hirgaliyo dalka gudihiisa iyo dibadaba.

Waxaa iyana goobtaas ku soo dhaweeyey Xildhibaanka talooyin wax ku ool ahna ka soo jeedashay odayaasha, haweenka iyo dhalinyarad reer Minnesota iyo Wisconsin. Waxaana la isla gartay in la qaato talooyinka xildhbaanka, isla goobtaasna waxaa lagu doortay gudigii ka shaqeyn lahaa hirgelinta waxyaalaha uu xildhibaanku soo jeediyey oo ka kooban 11qof oo isugu jira rag iyo dumarba.

Magacyada Gudiga Horumarinta Minneapolis.

  • Xasan Xaaji Dayur
  • Dahir xirsi Carab
  • Maqtal Koofurow,
  • Abuuraas Abdulqadir Warsame
  • Cisman Jigre Xasan
  • Xawo digriyow
  • Ubax Jini boqor
  • Nasra M xarare
  • Saynab Maxamed Bare Badab
  • Saciida Yusuf Axmad Beyle
  • iyo Timiro Warsame Saalax

Dadkiii ka hadalay shirka waxaa ka mid ahaa Caaqil carte xaaji Jimcale, Mudane Maxamed Xaamud Cumar ooji, nabdoon Axmaed sh aadan, Marwo Xaawo digriyow, Mudane Cabdulqadir M warsame Jiniboqor, Dr cismaan xarare, Maqtal koofurow, Xasan xaaji dayuur, Marwo Maryan Axmed sh aadan, M qani Maxamud, iyo dakale oo farbadan. Waxaa shirkaas xiriiriyey Cabdikarim Xirsi Carab. Waxaa qaban qaabada iyo soo dhaweynta xildhibaanka hormuud u haa Beyle xasan oo saciid.

Specail thanks to Beyle xasan owsaciid, Axmed Nuur Yusuf Xarare, Maxamed deeq kadawe, Maxamed qani, Ubax Jinni boqor, xawo digriyow, cabbdikarin xirsi, Hindo cumar jirac, Timiro Warsame saalax, Hodan xasan owsaciid, Samiira Yusuf, Maxamud A xaaji diriye iyo dadkale oo farabadan oo iyagu isugu jiri kuwa muruq ama maalba ku baxshay hirgalinta xafladan.

Xaarxaaronline Minneapolis, MN

Related Items

Comments


Leave a comment