Schweinsteiger oo kooxuhu saf ugu jiraan iyo Ronaldinho oo furka tuurtay

Tuesday November 02, 2010 - 18:45:27
0 Comments
1975
Super Admin
Naadiga ah horyalka Jarmalka ee Bayern Munich ayaa ku wargalisay naadiyada dalka Ingiriiska ka dhisan ee Chelsea iyo Man Utd inuusan iib ka ahayn Bastian Schweinsteiger.

Bastian Schweinsteiger oo si weyn ay ugu hanqal taagayaan naadiyo waaweyn oo ka dhisan qaaradda yurub oo ay kamid yihiin Manchester utd,Chelsea ayaa u sheegtay in xidiga uu sii joogi doono naadiga weyn ee dalka Germany Bayen Munich.

Kabtanka xulka Jarmalka ee koobka adduunka 2010 Bastian Schweinsteiger ayaa waxaa si weyn looga xiiseeya dalak ingiriiska iyadoo lagu soo waramayo in Bastian Schweinsteiger uu laf ahaantiisa uu doonayo u dhaqaaqida horyaalka Ingiriiska.

Tababaraha naadiga Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuu doonayo Bastian Schweinsteiger oo 26 jir ah inuu ka garab ciyaarsiiyo xidiga reer Jarmal ee Sami Khedira iyo Mesut Ozil.

Uli Hoeness,oo ah gudoomiyaha naadiga Bayen Munich ayaa sheegay in naadigooda ay tahay naadi xoogan taas oo ciyaaro wanaagsan kazoo bandhigtay qaaradda yurub wuxuuna ugu digay naadiyada kale inay la saxiixdaan xidigahooda.

“ma maqli karo wicitaan ku aadan Bastian Schweinsteiger,mana maqli karo naadi raadinaysa Bastian Schweinsteiger ayuu yiri gudoomiyaha Bayen Munich Uli Hoeness.

Bayen Munich ayaa ku guulaysatay inuu lasoo joogo xidiga garabka wadanak Faransiiska Franck Ribery kaasi oo naadiyo badan doonayeen.

Naadiga ah horyaalka Jarmalka ee Bayen Munich waxay ka madax adeegaysaa inay iibiso Bastian Schweinsteiger inkastoo Bastian Schweinsteiger uu shaaciyay in ay isaga ku adag tahay inuu diido dalab kaga yimaado naadiyo ka dhisan Ingiriiska.

“waa jeclahay nooca xawaaraha ee ciyaarta Ingiriiska laakin ma aqaano waxa dhici doona ayuu u sheegay Bastian Schweinsteiger wargayska Sunday Times.

Wuxuu intaa raaciyay Bastian Schweinsteiger in qandaraaskiisa uu dhamaanayo sanadka 2012,isagoo sheegay in uu jecel yahay cimilada ingiriiska iyo garoomada ingiriiska,markii aan ka ciyaarayay Manchester utd xiligii tagay waxay ahayd mid la yaab leh,walaalkayga wuxuu taageero weyn u yahay Manchester utd wuxuuna mar kasto igu dhiira galiyaa inaan ku biro kooxda Manchester utd anigaan waxaa ugu jawaabaa maya.

Naadiga Chelsea ayaa lala xiriirinayaa Bastian Schweinsteiger inkastoo Chelsea ay lasoo saxiixatay Ramires.

“waxaa ka daawadaa kubada cagta ingiriiska TV-yada waa jeclahay hab ciyaareedka Chelsea ee haatan,aad ayayna u xoogan yihiin ayuu yiri Bastian Schweinsteiger.

Waayaha Ronaldinho ee Ac Milan oo muuqda mid soo af jarmay.

Weeraryahanka kooxda Ac Milan Ronaldinho ayaa wuxuu aad u dhaleeceeyay hab ciyaaredka Ac Milan kulankii Juventus.

Sida ay qortay jariiradda La Gazzetta dello Sport xidiga caalamiga wadanka Braziil Ronaldinho ayaa dhaleeceeyay hanaanka uu wax u wado tababare Alegri.

Kadib markii uu dhaleeceeyay tababaraha Ronaldinho ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in xidigaan uu isaga tagaayo naadiga Ac Milan inkastoo uu dhaawac qabo oo uu kaga maqan yahay kulamada naadiga Milan.

Ronaldinho ayaa waxaa ay jariiradda ku waraysatay goob Baar ah isagoo si aad ah u weeeraray tababaraha kooxda Ac Milan.

“uma ciyaarno sidan, umana ciyaarin Ibrahimovich sida lagu yaqaanay ayuu yiri Ronaldinho.

Roberto De Assis,oo ah walaalka Ronaldinho ahna wakiilkiisa ayaa la xiriiray jariirada goor dambe isla markaana uu u sheegay in Ronaldinho uu u muuqday mid caraysan.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment