Garowe: Cayaarihii ugu dambyey " Mudug VS Gado iyo Bakool VS Bari"

Monday December 20, 2010 - 18:44:47
0 Comments
1660
Super Admin
Waxaa Maanta isku Arkay Ciyaaro Xiiso Badan garoonka Mire Aware jamac ee magalada garowe ee ay ka socoto Ciyaarata Kubada Cagta Gobolad Dalka somaliya " Mudug VS Gado iyo Bakool VS Bari" Halka Guusha ay Galabta la tageen Labada Naadi ee Mudug iyo bari oo midba tii la ciyaraysay ku jiiday Dhulka

Laba Ciyaarood oo kala dambeeyay ayaa tii hore waxay dhexmartay gobolada Mudug Vs Gedo Taas oo xiiso laheyd islamarkaana ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday gobolka Mudug.

Waxaa xigtay Ciyaarta ay sida weyn u wada sugayeen Taageerayaal farabadan oo ka soo kala jeeda gobolada Soomaaliya Siiba gobolka Bari taas oo dhexmartay gobolada Bari Vs Bakool,

Ciyaartaasi ayaa waxay ku soo dhamaatay islamarkaana ay guushii raacday gobolka Bari,Bari 4-0 Bakool.

Mohamoud Abdikadir " garoonka Mire Aware Warbahinta BTS Online

Related Items


Leave a comment