BTS: Galmudug oo ka jawaabtay Dilka Ninka u dhashay Zembabwi

Thursday January 13, 2011 - 11:50:22
0 Comments
1091
Super Admin
Maamulka Galmudug ee Koonfurta gaalkacyo ayaa ka sheegay in uusan ka diiwaan gashanayn ninka xalay lagu dilay Magalada galkacyo Maamulkooda hase ahaate ay xalado amaan awgood dad u qabteen laga shakiyey.
Iyadoo shalay galinkii dmabe ay kooxo hubaysan gudaha Shirkadda Kaluumaysiga Iidaan ee magaalada Gaalkacyo ay ku dileen nin dhalashadiisu tahay Zimbabwe oo in mudo ah ka shaqaynayay gudaha magaaladaasi ayaa hadana markii ugu horeysay waxa ka hadlay qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Mamulka Galmudug kuwooda ugu sareeya.

Wasiiraka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galgmudug Axmed Max’ed Xaashi (Axmed Dheere) oo waraysi warbaahinta siiyey ayaa waxaa uu sheegay inay aad ugu xunyihiin dilka loogaystay ninkaasi Zimbabwiga ah, isagoo tilmaamay in ninkaasi ajinabiga ah uusan Maamulka Galmudug u diiwaan gashneen.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dadka Ajinbiga ah ee ka shaqaeeya gudaha magaaladaasi ay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga si loo damaanad qaado amnigooda, wuxuuna ugu dambeyntii uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada Maamulka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigeen dad uu tibaaxay in lala xiriirinayo falka dilka ah ee loo gaystay ninkaasi ajinabiga ah.

Axmed Max’ed Xaashi (Axmed Dheere) Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay oo deegaanadooda lagu dilo qof Ajinabi ah, wuxuuna sheegay in arintaasi ay baaritaano ku hayaan Madaxda Maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay dadka ajinabiga ah ee imaanaya magaaladaasi inay soo maraan Wasaaradda arimaga gudaha iyo amniga si loola socda dhaq dhaqaaqooda.

Hadalka kasoo yeeray Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay ay kooxo hubaysan raasaas la dhaceen nin dhalashadiisu ay tahay Zimbabwe kaasi oo ka shaqaynayay Shirkad kaluumaysi ee fadhigeedu yahay Koofurta magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Iidan Company tas oo hada wali ka warbixin .

SIcidka BTS Online

Related Items


Leave a comment