Dagaal ka bilowday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Wednesday February 23, 2011 - 13:22:07
0 Comments
1034
Super Admin
Dagaal ka bilowday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Balad Xaawo: Dagaal culus oou dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada AL Shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay.

Wararka laga helayo degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi uu ka socdo dagaal xoogan uu u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada AL Shabaab ee horay gacanta ugu hayay halkaasi.

Dagaalka oo la sheegay in markii hore uu ka bilowday duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa la sheegay in uu haatan ku fiday gudaha magaalada waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan dagaalka hub cul culis.

Wararku waxaa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo iyana maalimihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday gobolka Gedo

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hase yeeshee dagaalku waxaa uu saameyn ku yeeshay shacabka ku nool degmadaasi kuwaasi oo maanta ay ka soo bixin guryahooda kadib markii ay ka warheleen dagaalo xoogan oo ka duldhacaya.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta Muqdisho la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalo militari oo wada jir ah qaaday isagoo xusay in ciidamada dowladda ay duuleen ku yihiin gobolada ay maamulaan Al Shabaab.

Ciidamadaani weerarka ku qaaday degmada Balad Xaawo ayaa shalay ka soo dhaqaaqay degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalana laga cabsi qabo in dagaalo xoogan ay ka dhacaan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Abdiwali mohamed BTS

Related Items


Leave a comment