Kooxda Holland oo ku durdurisay United Stars koobka Somaliweek London–

Monday July 25, 2011 - 09:44:47
0 Comments
1415
Super Admin
Kooxda Holland oo ku durdurisay United Stars koobka Somaliweek London–

Ciyaar aad u xiiso badneyd ayaa shaleyto ku dhexmartey kooxaha Holland iyo United Stars garoonka New River oo ku yaal xaafada Tottenham.

Kooxda Holland ayaa soo bandhigtey ciyaar aad u wanaagsan oo ay ka yaabisey dadkii ka soo qayb galey iyo kooxdii ay la dheelayeenba.

Kooxda United Stars ayaa goal kaga hormartey kooxda Holland markii ay bilaabatey ciyaarta qadar ka ka yar 10 daqiiqadood, laakinse markaas iyo wixii ka dambeeyay waxay kubadda u wareegtey in lagu dheelo goalka kooxda United Stars.

Ciyaarahanka qadka dhaxe uga dheela kooxda Holland Cabdikariim Jaamac laguna tilmaamo ciyaaryahanka ugu qatarsan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka dheela koobabka Qurbajoogta ayaa noqdey mid ka dhaliya 5 goal oo xiriir ah kooxda United Stars, labada goal kalane waxaa kale dhaliyay ciyaaryahan Cabdi Naasir Siciid Geeseey iyo Gerald Mansah oo isna ka tirsan weerar yahanada kooxda Holland, halka United Stars ay u dhaliyeen labada goal ciyaarayahanada lambarada 9 iyo 14 xirnaa.

Ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey in kooxda Holland ku badiso 7 goal iyo 2 goal kooxda United Stars, waxaana la filayaa kooxda Holland wareega labaad ugu soo baxdo tartanka Somaliweek London.

Tartankaan ilaa iyo hada waxaa goal dhalinta ku hogaaminaayo ciyaaryahan Cabdikariim Jaamac oo ah kabtanka kooxda Holland, wuxuuna leeyahay 6 goal.

Maamulka Somaliweek oo shaqo wanaagsan ka haya tartankan ayaa isheegay inay aad ula yaaban yihiin kooxda Holland oo tartankaan last munit.com ku soo gashay koobka ayay saadalinayaan in laga yaabo in koobka si fudud ku qaado halka aanu aaminsan nahey inaan qaada karaan kooxda Holland.

Kooxda Holland ayaa taageero nooc kasta ka haleysa jaaliyadooda Holland degan islamarkaana ku qanacsan inay guulo wax ku ool ah ka keeni doonaan tartanka Somaliweek.

Ciyaartooyda kooxda Holland ayaa isheegay inay sanadkaan ku yimadeen London inay tijaabiyaan koobka Somaliweek,ilaa iyo hada aad iyo aad ayaan ula dhacsan nahey maamulka Somaliweek shaqada uu ka qabanaayo koobka iyo kooxaha ka qayb galayana run ahaantii waxaa weeye kooxo wanaagsan oo dheelaya English Football halka kooxdeena ay dhaleyso qaab ka duwan oo laga dheelo dalka Holland ayuu yiri kabtanka kooxda Holland Cabdikariim.

Waxaan halkaan uga mahad celinayaa ururka HIRDA oo gacan naga siiyay sidii aan uga qayb gali laheyn tartankaan Somaliweek London, gaar ahaan marwo Fadumo Farah iyo Cabdi Fanaan ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Cabdikariim Jaamac mar uu la hadlayey shabakada cayaaraha SSPAMEDIA..

Kooxda Holland waxaa macalin u ah Maxamed Cali Nuur oo si weyn looga yaqaan cayaaraha Sweden, islamarkaana hada degan magaalada Bermingham.

Macalinka ayaa SSPAMEDIA u sheegay in koobka cid ka xigta aysan jirin hadiiba ay u soo baxaan kooxdooda wareega labaad, kooxaha kale ayaa iyana isheegay inaysan doonaynin inay Holland ka hor yimadaan inta aan la gaarin Finale.

Docda kale ciyaartooy badan reer Holland ayaa saacadaha soo socdo ku soo fool leh magaalada London si ay uga qayb galaan cayaaraha soo socdo hadii allah idmo.

Cayaaraha Somaliweek hada waxay marayaan gabagabo wareegii koowaad, maanta waxaa ciyaaraha loo soo wareejiyay garoonka Stone Bridge oo ku yaal Galbeedka magaalada London.

SSPAMEDIA waxay idin soo gudbin doontaa wararka cayaarahaan hadii Eebe idmo.

Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London


Related Items


Leave a comment