Qaramada Midowbey oo cambaraysay Qaraxii shalay Muqdisho

Friday February 28, 2014 - 15:25:04
0 Comments
981
Super Admin

Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay meel u dhaw xarunta hay’ada nabad sugida dowlada Somalia ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed golaha amaanku ka soo saareen xaruntooda magaalada New York ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo lagu khal khal galinayo amaanka caasimada.

Golaha amaanka ayaa soo jeediyay in la qaado talaaboyooyin adag oo amaanka lagu sugayo si loo ilaaliyo muwaadiniinta Soomaalida ah ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray.

“15-ka xubnood ah ee golaha amaanka waxay ka xun yihiin dhibaatada ay sida joogtada ah maalmahaan ula kulmayaan shacabka magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin dawlada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka golaha amaanka kasoo baxay.

Waxaa uu intaa ku daray goluhu in weerarada noocan oo kale aysan joojin doonin taageerada QM ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Soomaalida nabada jecel iney meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatada wada sida warka loo dhigay.

Related Items


Leave a comment