Xildhibano Ugandiis ah oo qado sharaf loogu saameyey Muqdisho SAWIRO

Monday March 03, 2014 - 07:44:59
0 Comments
1130
Super Admin

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaasi oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta.

Kulankan uu ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar la qaatay wafdigan ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka waxaana goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadal kooban ka jeediyey kulan qado sharaf ah oo Baarlamaanka Soomaaliya kusoo dhaweynayey Wafdigan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Baarlamaanka iyo dowladda Uganda sida hagar la’aaneed ee ay ula shaqeeyaan islamarkaana u garab istaageen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu yiri “waxaa sharaf weyn inoo ah inaan maanta qaabilno wafdi ka socda Baarlamaanka Uganda oo ah Baarlamaan uu naga dhaxeeyo iskaashi iyo wadashaqeyn iyo wax wada qabsi.

Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka dalka Uganda oo wafdigan hogaaminayey Horn Fungaroo Kaps Hassan oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Gudoonka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyeen waxaana uu intaa ku daray in Baarlamaanka Uganda uu mar walba u garab taaganyahay Baarlamaanka Soomaaliya,tanina ay qeyb ka tahay wadashaqeynta Labada Baarlamaan.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 waxa ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku dhisan ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana imaanshaha Wafdigan ka socda Baarlamaanka Uganda ay yimaadeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta heshiiskaasi









Related Items


Leave a comment