Wararka laga helaayo gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo xoogan ay halkaas ka wadaan ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia iyo kuwa AMISOM.
Sida ay inoo xaqiijiyay dad ku sugan gobalkaas ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM oo wata dabaabaadka dagaalka ay u jihesteen dhanka iyo deegaanada Qoryooley iyo Baraawe oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan saraakiisha Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Baraawe kuwaas oo la sheegay in ay howdka galeen.
Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane ayaa la xaqiijiyay in uu halkaas isaga baxay goor danbe oo xalay eheyd lamana sheegin halkii uu aaday.
Ciidamaa DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay doonayan in
saacado gudaheeda ay la wareegaan gacan ku heynta degmada Baraawe ee
gobalka Sh/Hoose oo ah xarunta looga talinaayay ururka Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha howlgaladaas wararkeena danbe ayaad kula socon doontaan haduu alle idmo.
Leave a comment