Bilowga Howlgalada Ciidamada Qaranka Waa Dhammaadka Argagixida

Thursday August 24, 2017 - 03:41:46
0 Comments
2150

Argagixisadu malaha lagamana sugayo in ay yeesheen dhago wax maqla, waayo waa dad hogaankooda ugu sarreeya laga hago meel kale,umana madax banana in uu go’aano gaar ah uu ka qaato hawsha uu fulinayo, macnaha haddii loo soo jeediyo waxa aad wadaan waa wax ilbaxnimada ku xun, Diinta ku xun, dhaqanka iyo caadada Soomaalida ku xun ee aan ka wada hadalno si dalka uu u helo xasilooni siyaasadeed iyo nabad waarta.

Maanta waxaa warbaahinta Caalamka laga wada baahinayaa in Hooyadii Argagixisada ee la magac baxday Daacish laga dabar gooyey inta badan goobihii ay ka haysteen dunida aanu ku nool nahay, firxadkoodana laga ilaalinayo in ay goobo kale ku sii baahnaa, waxaana laga wada shaqaynayaa sidii la isu raacsiin lahaa mid iyaga mid ahna uusan dunida ku soo harin.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan mowqifkeeda ku aadan muujisay, iyadoo xustay in ay jiraan howlgallo lagu ciribtirayo dhamaan argagaxisada nooc kasta iyo magac kasta ha loogu yeeree, waxayna hoosta ka xariiqeen in dhawaan la so oaf-jari doono kooxaha nabad-diidka ah meel kasta dunida haka jogaanee.

Dowladda Soomaaliya ayaa Iyana hore u iclaamisay in la qaado howlgallo lagu ciribtirayo Kooxda Al-shabaab oo haatan ku sugan goobo yar oo ka tirsan Gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Dalka, waxaana sida aan la socono wuu biloway howlgaalkaasi, waxaana la rajeynayaa inuu la gaaro dhammaadka kooxahaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in ay go’antahay isaga iyo Xukuumadiisa soo af-jarida kooxaha Argagixisada ee dhibaatada ku haya Umadda Soomaaliyeed ,tan iyo xiligaas waxaa la joogteeyay Mushaaraadka Ciidamada Qaranka si kor loogu qaado niyadooda,waxii markaa ka dambeeyay waxaa muuqdo in Howlgalo ka dhan ah Alshaab ay ka bilow deen goobaha ay kaga suganyiin Dalka.

Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan dib ula wareegay Deegaanno hoos yimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose, halkaasi oo ay hore u fadhiyeen Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, iyagoo laga dhigay wax la dilo iyo wax firxaday, waxaana deegaannadaasi booqday manta Guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Gobolka iyo Masuuliyin kale, iyagoo kormeer ku sameeyay Waddada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka number 50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Ujeedka kormeerka Masuuliyiintaasi ayaa ahaa in ay u kuurgalaan xaalada amni ee waddada, maadaama ay muhiim u tahay isku socodka gaadidka iyo dadweynaha, wuxuuna halkaasi kula kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka , kuwa AMISOM iyo maamulka deegaanka, wuxuuna kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xaalada amni ee waddadaasi iyo deegaanka Number 50.

Gudoomiyaha gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka num 50 ugu baaqay in ay ka qeybqaataan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoona sheegay in howlgalka lagu baacsanayo argagixisada Al shabaab ee ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka shabellaha hoose uu sii soconayo.

Dhawaan ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya waxay la wareegeen deegaanka Bariire iyo Tulooyin hoos yimaada iyadoo maamulka gobolka Shabellaha hoose uu sheegay in deegaanada lagala wareegay Al shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka Dowliga ah.

Sidaas oo kale ayaa laga Sugayaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee Geesiyaasha ah in ay iyaguna dabar gooyaan argagixisada iyo kuwa daba carara markii gacnta lagu soo dhigo, iyada oo aan wax jixinjix ah loo galaynin, islamarkaana qodobada sharciga argagixisada ee laga doodayo la soo dadajiyaa ansaxintiisa si loogu kala baxo, loona dhiso dawlad ka madax banana cadawga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirto sidii loo dabar goon lahaa kooxaha Argagixisada ayaa dhawaan Ansixiyay sharciga ladagaalanka Argagixisa, kaas oo uu soo gudbiyay Wasiirka Amniga Gudaha XfS ,isagoo loo sii gudbiyay Golaha Shacabka JFS.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa qabo hadii sharcigan uu ka soo dhamaado Golaha Shacabka iyo kan Sare, islamarkaana Madaxweynaha JFS uu saxiixo in wax badan laga qaban doono kooxa Argagixisada oo xiliga gabalkoodu uu sii dhacayo.

Hawlagalada Ciidamada Qaranka ka wadaan goobo badan oo dalka ka mid ah, loogana xoraynayo argagixsada Alshabaab ma aha Bilow balse waa dhamaadka Burcad diineedka Soomaaliya, waxaana laga rajaynayaa hawlgaladaas mid ujeedooyin badan ka soo bixi doonaan,haddii alle yiraahdo.


Related Items


Leave a comment