Maamulka Gobolka Benadir ayaa soo saaray amar ku socoto Hay"adaha Caalamiga ah

Wednesday December 30, 2020 - 16:02:37
0 Comments
496
Nasteeh Bare
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro ku soo rogay Hay'addaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho, War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray Hay'addaha ka shaqeeya arimaha bulshada ee ka howlgala gobolka in ay soo goostaan warqad ruqso ah. Halkan ka akhriso lifaaqa Warka ka soo baxay Gobolka Benadir,, 1: in Dhamaan hay'adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir inta uusan dhamaan Sanadka 2020. 2: In Hay'addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021. 3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay'adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go'aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay'ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn. 4: In dhamaan hay'adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir Basma Caamir Shakeeti. Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa goordhow ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka Magaaladaas. Boqolaal qof ah oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda weerarkii maalin kahor lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciyaartooydii meteleysay Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay Muqdisho Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno Gobolka Banaadir, doonimeyno Cadaalad darro iyo erayo kale oo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir. Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii lagu dhaawacay Ciyaatooydii Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Ciyaartooyda Koonfur Galbeed aysan marti ku aheyn Muqdisho, isla markaana dowladda Federtaalka ka dalbaday inay si deg deg ah uga Jawaabto weerarkii lagu qaaday Ciyaartooydii, kuwasi oo la sheegay inay weerareen taageerayaasha xulka Gobolka Banaadir. Qaar kamid ah Ciyaartooydii ka socotay Koonfurt Galbeed ayaa waxaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray weerarkii loo adeegsaday dhagxaanta ee lagu qaaday, xili ay kasoo baxeen Garoonka kubada Caggta Eng. Yariisow, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad.

Related Items


Leave a comment