Guddiga Abaaraha Qaranka Oo Faafaahin Ka Bixiyay Cida Ka Soo Jawaabtay Baaqooda

Sunday March 14, 2021 - 16:42:30
0 Comments
438
Meeraysane.com

    
Xubnaha Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax u qabashada dadka abaaraha sameyeen.

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hey’ado iyo ururo kale oo caalamiga ah u soo jawaab ah  qeyb qaadashada  samatabixinta dadka abaaraha heystaan.

Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegtay 5.9 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale, iyagoo xustay in dowladdu xooga saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Tilmaamay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC aya kamid ah dhinacyada falcelinta ka heleen.

Wasiir Beyle, ayaa carrabka ku dhuftay in dadka Soomaalida ah ay tahay in ay ayaga isku tashtaan isla markaana ka faa’ideystaan kheyraadka Alle ku maneystay ee dhulkooda yaala, sidoo kale isna waxaa hadlay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Cismaan Abokor Dubbe, ayaa warbaahinta ku booriyay in ay u istaagaan sidii wacyigelinta bulshada loo gaarsiin lahaa.

Xigasho warbaahinta Qaranka

 

Related Items


Leave a comment