Gudoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiraan Oo Caawa La Dilay

Monday June 21, 2021 - 23:58:00
0 Comments
387
Baladweyne

Gudoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiraan Ayaa Caawa Lagu dilay Magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka hiraan sida ay warbaahinta meeeraysane.com u shegeen dad magacooda Ka gaabsaday.

Allah u naxariiste Faarax Cabdi Cali oo loo yaqiinay Faarax Diir Ayaa ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiraan,Waxaana Caawa Dilay kooxo bastoolado ku hubeysan iyagoona Ku dilay xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee Baledweyne.

Marxuumka ayaa  la dilay isaga oo fadhiya maqaaxi Lagu Caweeyo islamarkaana Waxaa Ku dhaawacmay sadax dhalinyaro ah oo shaaha la cabaayay kuwaas Oo loo qaaday Isbitaalada si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment