Qarax ismiidaamin oo ka dhacey Xaley Deegaan milxo ee gobolka sanaag.

Monday September 12, 2022 - 11:33:22
0 Comments
270
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Waxaa habeenkii xaley xiliga fiidkii Qarax lala eegtey maqaayad ay dad ku caweyanayeen taas oo qasaare nafeed uu ka dhacey
Sanaag(meereysane media): Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka imaanayaa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay tuulada Milxo oo hoostagta degmada laasqorey kuna beegan dhanka buuraleyda Calmadow oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beesgaday maqaaxi lagu shaaxo, laguna qayilo oo ku taalla halkaasi.

Xogo ka imaanaya dadka deegaanka ah ayaa tilmaamaya xilliga uu dhacayey qaraxu ay maqaaxida ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah, waxaana ka dhashey dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah oo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Boosaaso, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan

Qaraxaan ka dhacay Sanaag ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyey ee is-miidaamin ah oo uu fuliyo qof isku soo xiray walxaha qarxa, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka shacabka ah.

Sikastaba ha ahaatee xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana socdo baaritaano ay bilaabeen ciidamada Puntland, si dabagal loogu sameeyo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi qaraxa ah.

Related Items


Leave a comment