Wabiga Shabeelle Oo ku Fatahay Xaafadaha Degmada Buuloburde

Monday November 27, 2023 - 13:36:51
0 Comments
191
ahmed raajaa
BUULA BARDE
Deg/Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi uu ku fatahay wabiga shebeelle oo dhexmara degmadaasi.

Xafadaha Bogabeyso, Indhaceel, Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga c4  absi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo wabiga xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligood biyo gaarin.

Buundada degmada Buuloburde ayaa halis ugu jirto in ay go’do madaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomaha Matoorka ah.

Wakaalada wararka somaaliya ayaa soo warinaysa in gudaha magaalada buula barde uu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka deegaaanka, kuwaas oo u guuraya dhulka taagga ah si ay fataahada uga bad badan

Wabiga shabeelle ayaa sidaan oo kale waxa uu fatahaad uga sameeyay Magaalada Beledweyne,halkaa oo ay ka barakaceen inta badan dadkii daganaa,sidoo kale gobolada Gedo Baay iyo Bakool ayuu wabiga ku fatahay .




Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment