Minnesota welcomed MP Of The DFKM, Marwo Fadumo Daahir Aadan.

Monday August 03, 2009 - 08:10:42
0 Comments
4290
Super Admin
Waxaa maalintii sabtida taariikhdu aheyd july/25/2009 ka dhacay magaalada minneaplois xaflad soo dhaweyn diiran tasoo lagu soo dhaweeyey marwo Faadumo Daahir Aaadan oo ah xildhibaanad ka mid dowlada Federaalka ee soomaliya. Xildhibaanada ayaa booqosho ku soo gaartay magaalada Minneapolis halkaas oo ay ku dhaqan yihiin dad soomaaliyeed oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa afartan ilaa kontan kun.

Xildhibaanada ayaa sidiiran loogu soo dhaweeye magaalada Minneapolis waxayna booqatay xarumaha mehradaha ganacsiga magaalada halkaas oo dadka ku haysta ganacsiga xarumahaas ay u badan yihiin haween. Xildhibaanada ayaa ku amaantay haweenka soomaaliyeed meelkasta ay joogaan in ay iyagu kaalin mihiim kaga jiraan horumarka bulshadood gudo iyo dibadba. Waxaa kale oo ay xildhibaanadu ka qeyb gashay shir aad u balaaran oo ay la yeelatay jaaliyada reer Minnesota, halkaas oo ugu horeyntiiba ay umahad celisay qaban qaabiyo yaashii shirka iyo dadweynaha kasoo qeygalay shirka, soo dhaweynta ay u fidiyeen ka dbina ay halakaa ka jeedisay qudbad dheer oo meelo badan taabaneysay.Xildhibaanadu waxay ka  hadashay wax qabadkeedii intii ay kamid aheyd baarlamaanka dowladii carte, dowladii FKM ee hore, iyo waliba mida hada jirta ee DFKM ee midnimada qaran.

 

Waxay kaloo ay halkaas ka sheegtay oo ay aad uga dheeraatay baarnaamijka dowlada hada iyo sida ay jaaliyada dibadu uga qeyb qaadan karto dib u hesheesiinta, iyo waliba hor- umarinta gobalada dalka iyadoo ku boorisay ka soo qey galayaasha shirka in ay dowladu tahay wax aan laga dhargin oo qofwalba oo doonaya inuu ka qeyb qaato dibudajinta Soomaaliya uu boos ku haboon ubanaan yahay, ayna tahay in lagarab istaago dowlada hada jirta si looga gudbo dhibaatooyinkii lasoo maray.

 

Qaar kamida kasoo qeyb gala yaashii ayaa ayaguna halkaa kasoo jeediyeen hadalo ay ugu mahad celiyeen Xilbaanada oo ku tilmaameen marwo soomaaliyeed oo in muda ahba ku mashquulsaneyd dib udajinta soomaliya iyo sidii loo heli lahaa dowlad soomaaliyeed oo nidaam iyo kala danbeyn ku baahisa soomaliya oo dhan. Ugu danbeyntii waxaa halkaa lagu sagootiyey marwada oo ayada safaro kale ugu anba baxaaysay gobolo ka mid ah dalak Maraykanaka.

Daawo Sawirada:

 

Cabdikarin Xirsi Warsame

Xaarxaar Online

Minneapolis Minnesota

Related Items


Leave a comment