Xildhibaanada Dowlada ayaa la filayaa mar dhow in ay kullan ku yeeshaan Xarunta golaha shacabka ee magalada Muqdisho, kullan kaas oo lagu waraysanayo laguna dhagaysanayo warbixino Raisalbaarlamka Mudane Shariif Xassan oo dib uga soo noqday Safaro uu mudo ku maqnaa.
Madaxwaynaha maamulka Somaliyeed ee puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud "Faroole" Ayaa shaaciyey in maamulka puntland cidii uu u arko in ay wadanka iyo Maamulka dan ugu jirto la galayso hishiis ayada oo aan cid u daba fariisan doonibn.
Waxaa fiidkii habeen sabti kulan qurux badan isugu yimi asxaab hore ee kubadda kolayga ku lahaa magac iyo maamuus iyagoo ku soo dhoweynaya Ciyaartoygii hore ee Wershadda Caanaha, Somalitex, iyo Jaamacadaha Cabdisalaan Muuse Xaaji Ismaciil GALAAL iyo Marwadiisa Faai'sa. Casha sharaftan oo lagu qabtay…
Isuduwaha Qaramada midowbay u Qaabilsan somalia Mark Bardow ayaa shegay in loo baahan yahay in si dagdag ah loogu baahan yahay in la gaarsiiyo somaliya gargaar sii gobolada koonfurta iyo bartamaha oo si wayn hada qayladu uga jirto
Xarakada Shabaab ayaa xabsiga dhigtay ilaa 20 dhalinyara oo ay ka qabqabteen magaalada kismaayo kuwaas oo ay la xiriirinayaan Hogaamyaha ka soo horjeeda ee Axmed madoobe
Wararka laga helayo Dagaal dad xoolo dhaqataa ku dhex maray deegaano hoos yimaada Xeraale ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ay dhinteen inta la og yahay ilaa 4 qof tiro intaas ka badana ay dhaawac ka soo gaaray dagaalka oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaankaas.